Aadan Barre Ducaale oo Baaq Siyaasadeed u diray Mujtamaca Soomaalida Kenya

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo aqlabiyad weyn ku dhex leh Barlamaanka Kenya aya ka codsaday ragga Soomaalida ku nool dalkaasi inay sababo dhinaca siyaasadeed awgeeda u guursadaan dhowr xaas, si loo kobciyo galaangalka Siyaasadda ee Mustaqbalka.

Xildhibaanka oo laga soo doorto magaalladda Garissa ee W/bari Kenya ayaa hadalkaasi ka  sheegay Bandhig Dhaqameed ka dhacay Xaafadda Eastleigh ee magaalladda Nairobu, wuxuuna ku taliyey inay ragga Soomaalida Kenya guursadaan wax ka badan hal xaas, su ay u yeeshaan tiro ugu yeeshaan Xilalka Siyaasadda.

Wuxuuna si cad ah u sheegay inuu Sharciga Islaamka u fasaxayo iyaga inay guursadaan wax ka badan hal xaas.

“Muslim ahaan, waxaa muhiimad naloo siiyey inaan guursano ilaa 4 Xaas, si aan u soo saarno carruur badan sida ugu suurtogalsan” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Waxa uu intaasi ku daray inay ka shaqeyn doonaan Siyaasadda xilliga Cod-bixinta, si looga saro maro kuwo kale.

Si kastaba ha ahaatee, Mujtamaca Soomaalida ku nool W/bari Kenya waxay ka mid yihiin Qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee ku nool dalkaasi, kuwaasi oo aan Galaangal Xooggan ku lahayn Siyaasadda iyo Haykalka Dowladeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media