Wasiirka Cusub ee Wasaarada Arimaha Gudaha Puntlnd  Cabdullaahi Cali xersi (Timajilic) ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya uu la xisaabtami doona Madaxda maamulada ka jira deegaanada kala duwan ee Maamulkaasi Puntland.
Sidoo kale waxa uu sheegay in isagu uu yahay nin Shaqo islamarkaana uu jecel yahay maadaama haatan xilkaan loo dhiibay in uu wax badan ku soo kordhiyo Puntland.
Ugu dambeyn waxa uu ka dalbaday dhamaan Madaxda iyo Shacabka Puntlnd in ay dhinac walba kala Shaqeeyaan.
Hadalkaan ayaa Wasiirka waxa uu Maanta ka sheegay Munaasabad uu xilka kul wreegayay oo lagu qabtay Magaaladaa Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Hoos Ka Dhageyso Khubadii Wasiirka