Axmed Cabdi Cabdi oo kamid ahaa musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Goordhow ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay u tartanka Doorashada.
Sababta uu Doorashada uga tanaasulay Axmed Cabdi ayuu sheegay inay tahay arrimo isaga u gaar ah,isla marlaana uu go’aansaday uu ka haro tartankii uu ugu jiray Madaxtinimada Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Axmed Cabdi tanaasulka uu sameeyay in uu u arko ay ku jiro danta reer Jubbaland,waxaana uu mahadceliyay dadkii kula taliyay inuu ka haro Doorashada Madaxtinimada Jubbaland.
Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo ku jiro Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanaya ee Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo 22-ka Bishan oo ku beegan khamiista soo socota sida uu shaaciyay Guddiga Doorashada.
Hoos ka Dhageyso Codka Axmed Cabdi Cabdi.