Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo lala kaashaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, laga fuliyey Deegaanka Kunya Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale Warka Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay mid kamid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.
Waxayna intaasi ku dareen inaysan dad rayid ah lagu dilin, laguna dhaawicin Duqeyntaasi.
Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya Mareynkanka ayaa howlgalka ka dhan ah Al-shabaab ka wada dalka,waxaana jira deegaano laga saaray Al-shabaab,kuwaasi oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay kamid tahay Degmada Awdheegle.