Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo shalay gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay arrinta ay ku dhaqaaqeen qar ka mid ah Maamul goboleedyada dlka ka jira isla markaana dowladda Sooamaliya aysan raali ka aheyn.
Waxa uu sheegay in marka la fiiriyo dhanka xiriirka Caalamiga ah ay tahay in looga dambeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Ummaddu hadii ay meel degan tahay hadii ay meel ku wada hehsiiyaan waxaa wanaagsan in hehsiiskaas lagu dhaqmo dastuurkeenana waxa uu qorayaa awoodaha ay leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu yiri Madaaxweyne Waareâ€
Sidoo kale waxa uu sheegay hadii ay dhacdo in Madaxda Maamul Goboleedyada ay hesheesyo la galaan Madaxda Caalamka qaarkood in ay dib ugu soo laabtan dowladda isla markaana ay la wadaagaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare