Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in xilligaan ay jiraan Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda inay ka eben abuuranayaan xaalada dalka.
Waxa uu sheegay in mar walba ay ku cel celiyaan,waxayabo ay ku niyad jebinayaan dadka Soomaaliyeed,,isla markaana ay bentii xalaal ka dhigeen.
“Siyaasiyiinta xanaaqsan waxa ay ka hadlaan waxa xun,dadka ayay niyo jebinayaan,waxa ay leeyihiin dalkaan wuu bur buray ee Beesha Caalamka hanaga soo gaarato ciidan malihin ayuu yiri Madaxweynaha.
Isaga oo sii hadayay ayuu sheegay in Siyaasiyiinta xanaaqsan ay dadka gaarsiiyeen inay isdhiibaan oo ay rajada ka qaadaan taasina ay dadku dhimasho u dhaanto.
Hadalkan ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka sheegay kulan looga hadlayay Hormarinta Waxbarasha Dalka Oo Maanta Lagu Qabtay Magalada Muqdisho.