Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun Dil ah waxa ay ku diray 3 kamid ah eedeeysanayaashii loo heystay falkii isugu jiray Dilka iyo gubida ahaa ee loo geystay Marxuum Axmed Dowlo.
Xuseen Iidow Maxamed, Asli Axmed Cabdulle iyo Aweys Iidow Maxamed oo Dil degmada Yaaqahiid ee Gobolka Banaadir ugu geystay 20/09/2018, Axmed Mukhtaar Saalax ( Dowlo) ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay ku riday xukun dil Toogasho ah.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa sii deysay afar qof oo kale oo iyaguna ku eedeysnaa Falka dilka ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macallin Maxamed,isla markaana sheegay in xukunka uu racfaan ka furan yahay.