Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku kala bixiyay wadamada Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda oo ciidamadooda joogaan Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in guulo ay ku soo dhamaadeen dhamaan safaradii dalalkaasi uu ku tagay waxaana uu sheegay in ay ka aqbaleen sidii ay Soomaaliya uga gacan siin lahaayeen dagaalka cusub oo lala galayo  SHabaab.
Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in marna Dowladda Soomaaliya aanay u dulqaadan doonin gumaadka Shabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed,sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo in dhamaan Madaxda Wadamadii uu booqday ay ka aqbaleyn in ay ka qeyb qaataan dagaalka cadwaga looga saarayo dalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo oo dhameystiran.