Dilka Haweenayda ayaa Maanta Barqadii waxa uu ka dhacay Guri ku yaalla Agagaarka Jaamacadda Gaheyr oo ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir,waxaana Haweeneyda oo lagu Magacabi jiray Dhoofo Diiriye Gabayre dilkeeda loo adeegsaday tooreey.
Haweeneyda oo Xaamilo aheyd ayaa waxaa toorey ku dilay Nin ay deris ahaayeen,kadib markii uu ka carooday Xaaskiisa oo ay dagaalameen,hayeeshee ay saaxiibo dhow ahaayeen Haweeneyda uu dilay.
Qof deris la ah Haweeneyda la dilay oo Caawa Dalsan la hadlay ayaa sheegay in Ninka uu Gabadha Gurigeeda ugu tegay,isla markaana uu toorey ku dilay,isaga oo uga shakiyay in Haweeneydaan ay mar walba ku dirir jirtay xaaskiisa.
Qofka deriska la ah Haweendyda la dilay ayaa sidoo kale sheegay in Haweenedya la dilay ay aheyd Hooyo dhashay 5 Caruur ah,balse uu sibareer ah tooreyda ugu dilay Ninkaasi oo qabay Haweeney kale oo ay saaxiibo ahaayeen.
Ninkii ka dambeeyay dilka Haweeneyda Xaamilada aheyd ayaa Goobta ka baxsatay,waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya,kuwaas oo baadi goob ugu jira sidii ay u soo qaban lahaayeen.
Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli xalay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magalada Jowhar uu xalay xaaskiisa oo ka maseertay uu dilay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Qofka Goobjoogaha.