Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska 1-da luulyo ayaa sheegay in haddii facii naga horreeyay ay dhidibada u taageen qaran xor ah oo calan iyo cudud mideysan leh, kana tilmaamnaa Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba in dadka haatan joogana ay dib u yagleeli karaan qaran iyo dawladnimo ka qurux badan kuwii hore.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan wadamo badan oo dhibka ay soomaaliya soo martay iyo mid ka daranba soo arkay,balse weli ay yihiin kuwo aan lumin qaranimadooda.
Waxa uu sheegay in dadkeena dalkeena ay yihiin kuwo qeybsan oo laga yaabo in ay laga faa’iideesto.
“Walaalayaal waxaan joognaa wadan dadkeena ay kala qeybsan yihiin dalkeena uu kala qeybsan ayna jiri karto faragelin ka faa’iideysanaya kala qeybsanaanteena ayuu sii raaciyey hadalkiisa Madaxweynaha.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya.