Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dardar geliyo howlaha lagu sugayo amniga Caasimadda Soomaaliya,isla markaana Shacabka looga baahan yahay in ay ciidamada kala Shaqeeyaan.
Waxa uu sheegay in dadku ay noqdaan kuwo isku duuban taas oo sahli karta in amniga Caasimadda uu noqdo mid sida hadda uu yahay ka soo hagaaga.
รขโฌลWaxan ku farax sanahay in dadku ay diyaar u yihiin in ay dowladda kalq eyb qaaataan howlaha deriseynta iyo amniga Gobolka Banaadir,si wanasgana ay u shaqeynayaan wxan leeyahay shacabka in qof walba uu difaac u noqdo deriskiisa ama uu ka warqabo weyna maahdsan yihiin shacabka sida ay dowladda u garab taagan yihiin ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Hadalkaan ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka sheegay in munaasabad lagu daah furayay howlaha deriseynta degmooyinka Gobolka Banaadir kaas oo lagu qabtay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.