Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Hir-shabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo Saxaafada kula hadlayay Magaalada muqdisho ayaa ugu baaqay Jaaliyadda Reer Hirshabelle ee ku nool dalka dibadiisa in ay ka qeyb qaataan Horumarinta iyo Dib u dhiska, iyo in ay maalgashtaan Deegaanada Hirshabelle.
Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay markii ay ka qeyb galeen Shirkii arrimaha Soomaaliya ee London in uu kulamo kale duwan uu La qaatay Jaaliyada Reer Hirshabeelle ee UK, islamarkaana uu faah faahin ka siiyay howlaha Maamulka, sidoo kalena ay ka wada hadleyn sida lagama maarmaanka ay u tahay ka shaqeynta Horumarinta iyo Dib u dhiska Hirshabelle
Madaxweyne Cosoble,ayaa la filayaa in dahwan uu u ambabaxo Magaalada jowhar ee Xarunta Maamul goboleedka Hir-Shabelle isagoo dhgaxdhigi doona Xarumo muhiim u ah Bulsahda ku nool deegaanada Maamulkaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka