Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya eek u sugan Gobolkaas ay dhibaatooyin ku hayaan Shacabka Gobolka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda qaarkood uusan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Shaqadooda ku qanacsaneyn.
Waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ee ku sugan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo Walaweyn iyo afgooye agtooda mar waba dadka lagu dhibaateeyo,isla markana iyaga ay qeyb ka yihiin dhibaateyntaas.
Waxa uu ka dalbaday madaxda Dowladda in Ciidamada ilgaar ah ku fiiriyeen,dhankoodana ay la hadleen Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Shalay ayaa waxaa agagaarka deegaanka Lafoole Gaari lagala degay kadibna la dilay 5 Ruux oo ay ku jiraan laba qof oo wada dhashay,dhacdadaas oo uu Maamulku sheegay inay baaritaan ku hayaan.
Dhageyso Codka Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Shabeellaha Hoose.