Dagaal dhex maray Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo Ciidamada Midowga afrika ee AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Fariisin Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Danow oo hoostaga degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxana halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Dadka tuulada Danow ayaa wax ay sheegeen in dagaalka oo aad u cuslaa uu dhacay xalay Saqdii dhexe,isla markaana ay maqlayeen jugta culus ay isku ridayeen labada dhainac.

Weli macadam khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab,hayeeshee dadka deegaanka ayaa ku waramaya inuu jiro khasaaro soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalantay.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda weli kama hadlin dagaalkaas,waxaana haatan lagu soo waramayaa in deegaanadii lagu dagaalamay xaaladooda ay tahay mid degan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor