Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho,iyagoo kusii jeeda Koonfurta Suudan.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka kusii sagootiyay Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno sare oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka Kuunfurta Suudaan uu uga qayb gali doona munaasabad loogu dabaal-dagayo dhameystirka heshiiskii ay gaareen dhinacyadii isku hayay halkaasi.
Sidoo kale waxaa la filayaa inta uu Madaxweyne Farmaajo ku sugan yahay Koonfurta Suudan kulamo kula la qaato madaxda ka qeyb galeysa munaasabad loogu dabaal-dagayo dhameystirka heshiiskii ay gaareen dhinacyadii isku hayay iyo Madax kale.