Dhageyso:-Maamulka D/Ceelbuur oo shaaciyey khasaaraha ka dhashay duqeyn ka dhacday degmadaaas

Laba duqeyn oo kala duwan ayaa xalay iyo shalay gelinkii dambe waxa ay ka dhaceyn deegaano hoostaga degamda Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud oo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen in lala beegsaday Xaruno ay lahaayeen Al-Shabaab.

Duqeynmahaas ayaa waxaafuliyey meel u dhow deegaanka Wabxo oo hoostaag ceelbuur,waxana gduoomiyaha degmada ceelbuur ee Gobolka Galgaduud nuur Xasan Guutaale uu Radio Dalsan u sheegay in duqeyntaas lala beegsaday Saldhig ay Shabaab halkaasi ku leeyihiin iyo Gaari ay saarnaayeen Saraakiil Shabaab ah sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in duqeyntaas dhammaan dadka lagu dilay oo Saraakiil 8u badnaa ay gaarayeen ilaa 16 Sidoo kalena weli dhaq dhaqaaqyo ay diyaaradaha dagaal ka wadaan deegaano hoostaga degamda Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in duqeyntaas lagu dilay Saddex qof oo Shacab ahaa kuwas oo ay ku sheegeen in ay ku jireen Nabadoono.

Duqyntaas ay diyaaradaha dagaal ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xili maalin ka hor Madaxda Maamulka Gobolka Galmudug ay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha degmada Ceelbuur.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media