Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta saraakiisha ciidanka xoogga dalka amar ku siiyay in la dardar geliyo qorshaha dib-u-dhiska ciidanka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay dalka uga sugan yihiin Al-Shabaab.
Amarka Ra’iisul Wasaaraha waxaa durba ka jawaabay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Dareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe).
Waxa uu sheegay taliyaha in Ciidamada xoogga dalka looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab xilli boqolaal ka tirsan Ciidamada uu kula hadlayay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in diyaar u yihiin amarka Ra’iisul Wasaaraha,isla markaana ay qorsheynayaan inay isku furan dhamaan Gobolada lka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Xoogga dalka.