Dhageyso:-Laamaha Amniga Baladweyne oo faah faahiyay dil Caawa ka dhacay Magaladaas

Caawa fiidkii ayaa rag hubeysan ayaa Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baladweyne waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha ee Maamulka Gobolka Hiiraan,waxana dilkaasi faah faahin ka bixiyay laamaha amniga Magalada Baladweyne.

Taliyaha Ciidamada xasilinta ee Magalada Baladweyne Carab Nuur ayaa sheegay in Sarkaalkaas la dilay xilliyadii Maqribkii xilli uu ka baxay Shaqada kuna wajahnaa Hooygiisa.

Isaga oo wareysi siinayay Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeen,hayeeshee Ciidamada Amniga Baladweyne ay wadaan howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Ciidamada xasilinta ee Magalada Baladweyne.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor