Dhageyso:-Qodobada looga hadlay Shirka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay+Sawirro

shir uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo xarunta gobalka Banaadir ay ku yeesheen wasaaradaha, guddiyada iyo hay’adaha kale ee ku midaysan tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa looga hadlay dib-u-eegista qaab dhismeedka hay’adaha qaranka iyo asteynta awoodaha dowladda oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dib-u-eegista qaab dhismeedka hay’adaha qaranka iyo asteynta awoodaha dowladda oo muhiim ah u shaqooyinka iyo daadejinta hawlaha hay’adaha kala duwan ee dawladda ayaa kamid ah halbeegyada laga doonayo wasaaradda arrimaha gudaha in ay ku xaqiijiso sannadkaan 2019.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaasha shaqo ee maamulka gobalka Banaadir iyo sida ay ula jaan-qaadayaan halbeegyada Tubaha Qaranka iyada oo ugu dambayn lagu ansixiyay waajibaadka Shaqo ee tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Hoggaanka dawladda waxaa ka go’an in awooda lagu wareejiyo shacabka Soomaaliyeed, lana fulinayo ballamihii billaawgii 2017, iyada oo loo marayo tubta siyaasadda loo dhanyahay oo himilooyinkeeda ay kamid yihiin Qaan-gaarsiinta nidaamka Federaalka, dhameystirka nidaamka dib-u-heshiisiinta, Dhameystirka Qabyo qoraalka dastuurka, Diyaarinta hannaanka iyo qorsheynta doorshooyinka 2020 iyo Xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale lala yeesho.

Hoos Ka Dhageyso Codka duqa Muqdisho oo shirka faah faahinaya kana Daawo Sawirrada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor