Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar ka dhacay Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof ku dhintay afar kalena ay ku dhaawacmeen kadib weerar xalay ka dhacay degmadaasi.

Dhammaan dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen inay ahaayeen dad rayid yihiin.

Nabadoon Faarax Bashiir Yuusuf oo kamid ah waxgaradka Galdogob ayaa sheegay in weerarkas dhimashada iyo dhaawaca sababay ay ka dambeeyeen Rag hubeysan oo watay gaari,kuwaas oo rasaas ku furay Goobo Ganacsi.

Wax auu sheegay Nabadoonka in raggaas gaariga watay ay u baxsadeen dhinaca xadka soomaaliya iyo Itoobiya,balse markii hore ay ka yimaadeen dhanka Magalada Gaalkacyo,waxaana uu sheegay in aan la garan dadka falkaasi ka dambeeyay.

Dadka ku nool degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa dhacdadaas aad u hadal haya,waxaana jira Ciidamo booliis ah oo dabagal ku sameeyay kooxaha falka geystay wallow ay u tallaabeen dhinaca xadka Itoobiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor