(DHAGEYSO):- Kulan Dhaxmaray Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo  ayaa markii ugu horeysay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay hogaamiyayaasha maamul goboleedyada ka jira dalka oo ay kawada hadleen wada shaqeen dhaxmarta madaxweynaha la doortay ee farmaajo  iyo madaxda maamul goboleedyada hoosyimaada dowlada dhexe si dalka hormarkiisa looga wada qeyb Qaato.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa joogay kulanka marka laga reebo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka maqnaa Muqdisho iyadoo ay fadhiyeen Afarta madaxweyne ee maamul goboleedyada Hirshabeele,Koonfur Galbeed,Galmudug  iyo Puntland waxaana madaxdu ay ka hadleen talaabada loo baahanyahay in loo qaado Hormarka.

kulankaasi madaxweynaha cusub iyo madaxda maamul goboleedyada dhaxmaray markii uu soo gabagaboobay waxaa warbaahinta la hadlay madaxweynaha Hirshablle Cali Cabdullahi Cosoble oo kawarbixiyey waxyaabihii ay madaxdu ka hadleen.

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Codka Madaxweyne Cosoble.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media