AKHRISO:- Waxa Kasoo Baxay Kulan Dhexmaray Madaxweyne Farmaajo Iyo Wakiilada Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan gaar ah kula yeeshayMuqdisho qaar kamid ah Danjirayaasha Wadamada Jaamacadda Carabta ee Safaaradaha ku leh Muqdisho.

Wakiilada jaamcadda Carabta ayaa madaxweyne Famaajo marka hore ugu hambalyeeyey ah guusha uu kagaaray Doorashada madaxweynaha ee  Soomaaliya.

kulan qaatay Muddo oo ay wada yeesheen wakiilada jamacada carabta iyo madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka soo baxay qodobboda soo soocda:-

 

1 In Soomaaliya laga taageero wax ka qabashada Abaaraha saameeyay Dadka iyo Duunyada.

2 In Dowladda Cusub  Gacan laga siiyo xaga Amniga.

3  In Wadamada Jaamacada Carabta ay taageeraan dib u heshiisiinta Qaran ee Soomaaliya.

4  In Dowladaha iyo Shirkadaha Carbeed ay maalgashi balaaran ku sameeyaan Soomaaliya.

6  In Wadamada ku midoobay Jaamacada Carabta ay meel kasta ku matalaan Soomaaliya ayna ilaaliyaan Xaqeeda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media