DHAGEYSO: Kooxaha Burcadbadeeda oo Xeebaha Mudug ka Afduubtay Doon Ganacsi

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug, gaar ahaan deegaano ku dhow degmada Hobyo ayaa ku waramaya in halkaasi dhawaan laga Afduubtay dooni gancsi oo u rarneyd ganacsato ka soo jeeda deegaanada Jubbalnad.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland Mukhtaar Sheikh Axmed, oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in doonidaas, laga afduubay Nawaaxiga deegaanka Ceel huur ee gobolka Mudug, islamarkaana ay ka soo baxady magaalada Dubia ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta, kuna soo jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose , hasa’ahaate kooxo burcadbadeed ah ay ka afduubeen Mudug.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media