Sawirro:-Dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo looga dhawaaqay Gobolka Hiiraan

Kulan looga hadlaayay amniga deegaanada Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Magaalada Baladweyne ku yeeshay Guddoomiyaha Gobolkaas Cali Muxumed Caraale,Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu gorfeeyay sidii loo xaqiijin ahaa amniga deegaanada Gobolka Hiiraan iyo sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay halkaas kaga sugan yihiin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale,Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa si wada jira ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab,kaasi oo dhawaan laga bilaabi doono deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Howlgalkaas ayaa Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka waxaa ay ku doonayan in dagaalamayaasha Al-shabaab uga saaraan deegaano ka tirsan Gobolkaas oo ay gacanta ku hayaan.

Al-shabaab ayaa xiliyada qaar waxaa ay weeraro dhabo ah iyo mid toos ah ay ku qaadaan Saldhigyada Ciidanka dowladda Itoobiya ay ku leeyihiin deegaano ku yaalla Gobolka Hiiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media