Warara naga soo gaaraya saakay gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xalay fiidkii ay Al-Shabaab isaga baxeen deegaanka Moqakori ee Gobolka Hiiraan halkaas oo shalay gelinkii dambe ay dagaal kala wareegeen ciidamo ka tirsan dowladda oo gacanta ku hayay.
Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaadan Moqokori, kaa soo socday Saacado badan, Waxaana dagaalka oo la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan kaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Saacadihii deegaankaas ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ayaa saraakiishooda waxa ay u sheegeen Shacabka deegaanka in ay ka agdheeraadaaan Xarumaha dowladda,isla markaana iyagu ay yihiin kuwo aan ka fogeyn deegaanka Maxaas.
Wararkii u dambeeyey ee saakay nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xalay ay Al-Shabaab isaga baxeen deegaankaas,iyaga oo dib ugu laabtay halkii ay ka yimaadeen,laakin aan weli la cadeyn in gudaha degmada Maxaas ay soo galeen ciidamada dowladda ee horay uga baxay.
Waxgaradka deegaanka Maxaas qaarkood oo diiday in codkooda iyo magacooda in qalabka Warbaahinta loo adeegsado ayaa waxa ay sheegeen in xalay ay cabsi ku waabariisteen,iyaga oo ka baqdin qabay in dushooda lagu dagaalamo.