Janeraal Asad Cismaan Cabdullaahi oo ahaa musharixii wareegii ugu dambeeyay doorashada Puntland kula tartamay Madaxweynaha Cusub ee Puntland ayaa marka hore u hambalyeeyay Madaxweyne Siciid Deni.
Waxa uu sheegay in u Alle uga baryayo in uu xilka u fududeeyo Madaxweynaha Cusub ee Puntland,isla markaana Puntland ay wada jecel yihiin kana guuleysanayaan Cadawga Puntland.
“Cadowga Puntland waxaan leenahay Puntland waa isku duubantahay cidna waxba kama qaadi karto waana ay guuleysaneysaa Insha Allah ayuu yiri Janeraal Asad Cismaan Cabdullaahiâ€
Si kastab Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya,siyaasiyinta Soomaalida iyo badi Shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay doorashada Madaxweynaha Puntland ee uu Maanta kusoo baxay Siciid Cabdullaahi Deni.