Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay dagaal Culus, kaasi oo u dhexeeyay Maleeshiyo beeleed hubeysan.
Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Waqadariya oo dhinaca Waqooyi Barri ka xiga Magaalada Ceerigaabo Gobolka Sanaaag, isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu ka dambeeyay kadib markii labada Maleeshiyo ay isku qabteen Dahab iyo macdano kale oo laga qoto buurta ku taalla deegaanka Waqadariya.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa xusay in rasaas xoogan ay isdhaafsadeen Ciidamo ka kala tirsan labada Maleeshiyo beeleed, isla markaana weli deegaanka laga maqlayo rasaas goos-goos ah
Ugu yaraan Saddex ruux oo labada dhinac ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka tirro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo soo qaaday dhanka Magaalada Ceerigaabo Gobolka Sanaaag.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Somaliland oo ku aadan dagaalkii ka dhacay deegaanka Waqadariya ee Gobolka Sanaag.