Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgallo kala duwan waxa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada ayaa howlgallada waxa ay sigaar ah uga sameeyey Xaafadaha Siigaale Taleex ilaa Soonakeey ee degmada Hodan,waxana dadka deegaanka qaarkood ay Dalsan u sheegen in Ciidamadu ay baaritaano ku sameynayaan Guryaha,halka wadooyinka ay dadka ka qab qabanayaan.
Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dambeeyay dil shalay aroortii ka dhacay degmda Hodan ,iyada oo dadka ay Ciidamadu meel gaar ah isugu keenayaan,iyaga oo baaritaano ku sameynaya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in howlgalka lagu qabqabtay boqolaal ka mid ah Dhalinyarada Xaafada wallow badankood markii dambe lasiidaayay kaidb markii baaritaano lagu sameeyay.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo talisyada laamaha amniga soomaaliya ayaa kadib weerarkii madaxtooyada Soomaaliya wax ay ku dhawaaqeen howlgal lagu xqqiijinayo oo laga sameynayo degmooyinka gobolka Banaadir.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga goobjoogaha.