Shalay ayay ku beegneyd Maalinta loo asteeyay kahortagida Tacadiyada ka dhan ka ah wariyaasha Maantana waxaa Muqdisho lagu qabtay dood ku saabsaneyd badqabka Suxufiga.
Doodaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Hay’adda Warbaahnada Madaxa Banaan ee SIMHA,waxaana ka qeyb galay Masuuliyiin uu ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan cumar cismaan Yariisow iyo inta badan Wariyaasha ka howlgalla Gobolkaan Banaadir.
Fikrado iyo talooyin kala duwan ayaa intii ay doodu socotay la’isdhaafsaday,waxana inta badan laga hadlayay sidii loo badbaadin lahaa loogana hortegi lahaa dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee loo geesto Wariyayaasha.
Gudoomiyaha Hay’adda Warbaahnada Madaxa Banaan ee SIMHA ahna Agaasimaha Radio Dalsan Xassan Cali Geeseey ayaa sharaxay tirada Wariyayaasha ah ee la dilay tan iyo burburkii lana diiwaan geliyay.
“Waxaa wadanka uu galay qalalaaso Dowlad la’aan iyo fowdo wixii xiligaas ka dambeeyay wariyaasha la qoray in la dilay waxaa lagu qiyaasay 70 ku dhawaad oo dalka lagu dilay intooda badana Muqdisho waxayna isuguna jireen Soomaali iyo Ajnabi ayuu yiri Xassan Cali Geeseeyâ€
Sidoo kale waxaa Goobta ka hadlay Wasiirka Warfafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan cumar cismaan Yariisow.
“Runtii dad Suxufiyiin ah ayaa waxa ay garteen wariyaashaan la dilayo maxan u qaban karnaa waxay u qaban karaan in Maalintan oo kale la xuso la tuso dadka dambiilayaasha ah ee beegsanaya wariyaasha in aan looga hareyn oo la daba galaayo, Aduunka Maxkamada Caalamiga ah waxa loo sameeyay in dadka dembiyada gala inaysan meelna ku Fakan oo aan gabaad lasiinin ayuu yiri Wasiir Yariisowâ€
Sidoo kale dadkii Goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Warbaahinada Madaxa Banaan ee SIMHA, ahna Agaasimaha Radio Danan Maxamed Barre Xaaji Cumar Fiyoore isaga oo sheegay in ka masuul ahaan ay wadaan tababarsiinta iyo kor u qaadista Xirfada Wariyayaasha Soomaaliyeed.
Hoos Ka Dhageyso Codadka kana Daawo Sawirrada
Qoraa Cabduqaadir Jakaarta