Magalada Muqdisho waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed kaas oo ay kaga digeen bandhig faneed la doonayo in dhawaan lagu qabto Gudaha Magaalada Muqdisho.
Shirkooda jaraa’id ayaa waxa ay ku soo jeediyeen in dhalinyaradi aysan ka qeybgalin bandhig faneedkaas oo ay sheegeen in uu yahay mid la doonayo in dadka Soomaaliyeed lagu fasahaadiyo,loona baahan yahay in laga hortago sida ay hadalka u dhigeyn.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’adda Culimadda Somaliyed, ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay Dowladda Somaliya inay ka hortagto bandhig faneedkaasi.
“Hay’adda Culimadda waxay caddeynaysaa in kuwa waxaas abaabulaya ay yihiin kuwa halis ku ah diinta iyo dalka, fidinaya, fisqi iyo fuxshi, Umadda iyo naftoodaba u horseedaya halaag aduun iyo Cadaab aakhiro.†Ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen Culimadda Somaliyed.
Sikastaba Fanaaniin ka yimid dalka dibadiisa ayaa haatan muqdisho ka wada abaabul ku saabsan sidii ay u qaban lahaayeen bandhig Faneed lagu galaayo qarash,waxana fanaaniintaas ka mid ah King Jaamac Yare oo shalay soo gaartay Magaalada Muqdisho dhawaana Bandhig Faneed ku qabatay Magalada Nairobi ee dalka Kenya.
Hoos Ka Dhageyso Gudoomiyaha Hay’adda Culimadda Somaliyed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo Warbaahinta u Akhriyey Bayaan ay soo saareen.