Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa waxaa uu ka hadlay dhacdo aad u xanuun badan oo ka dhacay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiye yariisow ayaa waxaa uu sheegay in Maanta Isbitaalka Wardi Community Hospital ee ku yaalla Xamar Jajab loo diiday inay ku dhasho Haweeney Xaamilo aheyd,isla markaana ay ku umushay isbitaalka hortiisa.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dhacdadaas ay tahay mid aad looga xumaado,waxaana Hooyadaas magaceeda uu ku sheegay Khadra Maxamud.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Hooyo Khadra Maxamud iyo Cunideeda yar Xaaladood Caafimaad haatan ay aad u wanaagsan tahay,iyagoona ku jira Isbitaalka.
Hayeeshee waxa uu xusay in marnaba aan la aqbali doono in Muwaadin Soomaaliyeed oo xaalad deg deg ah ku jira loo diido goob caafimaad,isagoona falkaas si kulul u Cambaareeyay.
Ugu dambeeyn, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa sheegay in Maamulka Isbitaalka Wardi Community Hospital loo gudbin doono Hay’adaha Dembi baarista dowladda,si sharciga loo horgeeyo,isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Hoos ka Dhageyso Guddoomiye Yariisow.