Waxaa saakay degmada Jariiban ee Gobolka Mudug Puntland lagu dhaawacay Wariye Farxaan Faarax Cabdi oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howgala Magalada Jariiban kana mid ah aas’aasayaashii Radio Jariiban.
Wariyaha ayaa waxa tooreey ku weeraray Nin ay wada murmeen,isaga oo lugtiisa midig uga dhuftay tooreyda,waxana la sheegay in dhaawac culus uu soo gaaray wariyaha.
Wariyeyaal ku sugan Magalada Gaalkacyo ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegen in dhaawaca wariyaha la keenay Magalada Gaalkacyo si loogu daweeyo.
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Ninka wariyaha dhaawacay uu ka tirsan yahay Shaqaalaha Shirkada Isgaarsiinta ee Golis Qaybteeda Degmada Jariiban,hayeeshee uu baxsaday.
Xaalada Wariye Farxaan Faarax Cabdi ayaa lagu soo waramayaa inay soo hagaageyso wallow midka mid ah xidika Halbowlaha tooreyda ay kaga dhacday,isla markaana uu aad u dhiig baxay.