Shabakadda Wararka ee Turkpress ee laga leeyahay dalka Turkiga waxaa shalay lagu soo daabacay Wargeys dheer oo Cinwaan looga dhigay Mustaqbalka Somalia ee hoos-jooga Saldhigga Milliteriga ee Turkiga.
Warbixinta waxaa lagu xusay in Turkiga kaalinta 6-aad kaga jiro  dalalka Saldhigyadda Milliteri ku leh Qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika, iyadoo ay  Maraykanka, Faransiiska, Britain, Japan iyo Shiinaha ku yeesheen Saldhigyo Milliteri.
Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inaysan taasi micnaheedu ahayn inay jidadka buuxiyeen Ubaxyo, balse ay jiraan dhowr caqabad oo lagala kulmi karo dhulka Kaymaha ee Bariga Afrika. oo ay ku jiraan Hodantinimadda Jilayaasha Caalamiga iyo Xaalladda Caalamiga ee Gobalka ee kala-qeybsanaanta Somalia.
Turkpress waxay soo xigatay Warbixin ay Xarunta Daraasaadka Aljazeera kaga digtay  in Saldhigga Turkish-ka ee Somalia inay Khataro baahsan kala kulmaan jihooyin kala duwan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Warbixinta iyo Cabduqadir Jakaarta