Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Maanta waxa ay xukun dil ah ku fuliyeen mid ka mid ah Haweenka ku nool degmada Zaakoow ee Gobolka jubbada dhexe.
Fagaaro ku yaalla degmadaas ayaa waxaa isugu yimid inta badan dadka ku nool degmada Zaakoow, waxaana halkaasi dhagax lagu dilay haweneyda oo lagu eedeeyay in ay fal Zino ah ku dhacday.
Qaadiga Maxkamada Al-Shabaab ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa Goobta ka sheegay in Haweeneydaan uu ku cadaaday dembiga lagu soo oogay sidaasna xukunka dilka toogashada ah lagu fuliyay ka dib markii ay horay guur u soo martay.
Haweeneyda Xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xabiibo Cali Isxaaq, waxaana la sheegay in uu soo dacweeyay Zeygeeda
Goobtii falka xukunka dilka ah uu ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ka mid ah dadka ku nool Magaalada Zaakoow kuwaas oo Maantadii hore lagu wargeliyay in ay fagaaraha yimaadaan.
Al-Shabaab ayaa dhowr mar oo hore waxa ay ka  fuliyeen deegaanada ay maamulaan Xukuno noocaan oo kale ah iyo kuwo kale oo ka duwan.