Waxaa deegaanka Dhumay ee koonfurta Gobolka Sool gaaray ergooyin ka tagay magaalooyinka Laascaanood, Garoowe, iyo Buuhoodle si loo kala qaboojiyo labada beelood ee ay coladda u dhaxeyso
Garaad Saleebaan Buraale Aadan oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee beelaha ay dirirta u dhaxweyso ayaa sheegay in Odayaal ka kala yimid magaalooyinka Garoowe iyo Laas-canood ay gaareen deegaanka Dhumay.
Waxa uu sheegay in marka laga soo t go dagaaladii hore balse ay haatan xaaladu tahay mid wanaagsan balse weli ishor-fadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay.
Isaga oo wareysi siinayay Idaacadda Voa-da laanteeda afka soomaaliga ayuu sheegay Nabadoonka in dadkii ka barakcay deegaanka Dhumay ay heystaan xaalado nolol xumo,isla markaana u baahan yihiin Gurmad.
Hoos Ka Dhageyso Codka Nabadoonka.