Shirka Golaha Wasiiradda dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay, 28/10/2018 ka dhacay hoolka Shirarka Mdaxtooyadda ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulkaasi, iyadoona lagu gorfeeyey arrimo badan oo kala duwan.
Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominaayay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,iyadoona ay kasoo qeyb galeen Golaha Wasiiradda maamulkaasi,islamarkaana looga hadalay arrimo la xiriira baahinta dowladnimada iyo xoojinta amniga Hirshabeelle.
Sidoo kale Golaha Wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa ka dooday Hindise sharciyeedka Wasaaradda Ganacsiga Hirshabeelle,kaasi oo horey ay u soo gudbisay Wasaaaradda horumarinta Dhaqaalaha Hirshabeelle,waxaana warbixin looga dhageystay xubno ka socday Wasaaradaasi.
Ugu dambeyn golaha wasiirada Hirshabeelle ayaa Shirkooda uga hadleen arrimo la xiriira ka wacyi galinta Bulshada Xagjirnimada.
Amaanka Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa maanta aad loo adkeeyay,waxaana sugidda amniga iska kaashanayay Ciidamada dowlada AMISOM iyo kuwa maamulka Hirshabeelle.