Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan,ayaa sheegay in Wasaaarda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorsho lagu mideynaayo Manhajka waxbarasho ee Guud ahaan dalka Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in  inay ka go’an tahay hirgalinta manhaj waxbarasho oo ka tarjumaya danaha iyo hiigsiga bulshada Soomaaliyeed, taas oo u baahan dadaal dheeraad ah.
Hadalkaan ayaa wasiirku waxa uu ka sheegay kulan looga hadlayay Qorsho howleedka Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya oo shalay ka furmay Magaalada muqdisho balse maanta la rajeynao in la soo gaba gabeeyo.
Hoos Ka Dhageyso Codka