Waxaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle goordhawyed lagu soo gaba-gabeeyay doorashada kursiga Hope106 oo ay ku tarmayeen afar Musharrax oo kala duwan.
Doorashada Kursiga oo horay ay u sii shaaciyeen Guddiga doorashada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa soo xaadiray Hoolka dooarshada dhammaan Xubnaha doonayay kursiga, iyadoo Ergaduna ay dhankooda soo xaadireen si ay u kala doortaan afarta Musharrax ee mid waliba uu u taagnaa in uu ku guulaysto Kursiga summadiisu tahay Hope106.
Ugu dambeytii Codaynta kadib Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole ayaa ku guuleystay doorashada kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP106, isagoo helay Codad gaaraya 56 Cod.
Xaadoole ayaa mar soo noqday Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Sidoo kale Cismaan Xaadoole ayaa kamid ahaa Saraakiisha hoggaamineysay Ciidanka Badbaado Qaran ee kasoo horjeeday muddo kororsigii sharci darrada ahaa ee uu isku dayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.