Diblumaasi Max’ed Max’uud Nuur Caalim oo wareysi siiyay Idaacadda Dalsan ayaa sheegay in Dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya ee xiligaan ka socota magaalada Heeg ee Dalka Holan ay tahay siyaasad gaar ah laga leeyahay.
Waxa uu tilmaamay in xiligii 2009 ee saxiixa bada uu R/wasaare ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo hada ah Musharax Madaxweyne taasina ay u muuqato mid lagu qal qal galinaayo Musharaxnimadiisa sida uu hadalka u dhigay.
Warkaan ayaa kusoo beegmaya xili weli aan go’aan rasmi ah laga gaarin dacwada badda waxana dadku ay u dhegtaagayaan waxa kasoo bixi doona Maxkamada Caalamiga ee ICJ oo ay Dacwadu ka socoto.
©Radio Dalsan