Ra’isul-wasaarada Britain, Theresa May ayaa hadalkaasi xalay ka sheegtay Shirweynaha 71-aad ee Golaha Guud ee QM uga socda magaalladda New York, waxayna xustay inay Ciiddankii ugu horreeyey ee British ah u diri doonto dalka Somalia. Waana Go’aankii ugu horreeyey ee ay ku sheegto inay Ciiddamo u soo dirayso Somalia oo lagu tilmaamo Dalalka ugu khatarta badan Caalamka.
Waxay Ergadda Golha Guud ee QM u sheegtay inay Britain kordhinayso Taageeradda dhinaca Ammaanka ee ay siiyaan Somalia, iyadoo xustay inay 7 million oo Geniga Ingiriiska ugu talagaleen Hawlgalka ay Milliteriga Britain ku tababarayaan Ciiddanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee Dagaalka aan dhamaadka lahayn kula jira Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab.
Ra’isul-wasaaradda Britain, Theresa May waxay sheegtay inay Somalia u dirayso boqolaal Tababarayaal Milliteri, kuwaasi oo ka hawl-geli doona magaalladda Muqdisho, Inkastoo Afhayeenad u hadashay Dowladda Britain sheegtay inaan Somalia hal mar loo diri doonin 70 Askari, si ay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka uga taageeran dagaalka ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab.
Dhinaca kale, Ra’isul-asaaraha Britain Theresa May waxay ugu baaqday Beesha Caalamka inay isugu yimaadeen Shirweyne lagu qabanayo Muqdisho, taasi oo dhaqaale loogu ururinayo Dib-u-dhiska Somalia , gaar ahaan in dib loo soo celiyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Somalia.
©Radio Dalsan