Dhalin yarada wax baratay ee ku nool Magalada Beledweyne waxaa ay cabasha ka yihiin Shaqa la,aan baahsan taas oo gabi ahaanba soo afjartay sahankii rajada noloshooda
10 kii sana ee ugu danbeeysay Waxbarashada Magaladan waa ay sii kobceysay waxaa soo badanayay Jaamacadaha iyo Machadyada Wax barashada iyadoo da,yartune ay ku dhiiradeen in ay u dareeraan goobaha Waxbarashada ,
Hase  ahaatee waxaa jirta Shaqa la’aan kuwa badan oo wax baranayay waxaa ay lumiyeen kalsoonidii ay qabeyn waayo asaagood oo horay uga aflaxay jaamacadaha kala duwan ee Magalada Beledweyne noloshooda wax horumar ah oo la taaban karo kama aysan gaarin  sababtune waa Shaqa la, aan asiibtay dhalinta gobalkan Gobolka Hiiraan.
Qaar kamid ah dhalinyarada Magalada ku nool oo helay Shahaadada heerka Loowaad ee Jaamacadaha Beledweyne ayaa ii waramaya,  waxeeyna iiga sheekeynayaan qaarkood xaladooda iyo waxyaabaha sababay Shaqa la,aanta
Dhalinyaradu waa ay kukala ra,yi duwan yihiin waxa sababay Shaqa la, aanta ,qaarbaa aaminsan in dhalinyaradu iskala weeynyahiin Shaqooyinka qaar,
Qaar kamid ah dhalinta ayaa eedeeyn kala dul dhacay Maamuka heer Gobol iyo heer Hirshabeele in aysan wax fursad ah siinin dhalinyarada.
 Hoos Ka Dhageyso Warbixinta uu Beledweyne ku soo diyaariyay Wariyaheena Axmad Dirir.