Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa soo dhaweyn u sameeyay sarkaalkii Somaliland ugu xil saarnaa aagga Badhan iyo ciidamo uu watay kaas oo goostay iskuna dhiibay Puntland.
Afhayeenka madaxtooyada maamulka Puntland Jaamac Dabaraani ayaa goobjoog ka ahaa goobta lagu soo bandhigayay sarkaalkaan iyo ciidamada uu watay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan.
Ciidamada Somaliland eek u sugnaa deegaankaas iyo kuwa maamulka Puntland ayaa dhowr jeer isku fara saaray halkaas iyada oo uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.
Somaliland ilaa iyo haatan kama aysan hadal wararka sheegaya in uu goostay sarkaalkii u qaabilsanaa dhinaca Badhan in kasta oo horay labada maamul ay soo bandhigeen ciidamo ay sheegeen in soo goosteen.
Halkaan Ka Dhageyso Codka