Dhageyso:-Dad loo soo qabtay Dilkii Gaalkacyo loogu geystay Caaisha Ilyaas

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu qabtay dad lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen falka arxan darada ahaa ee halkaasi loogu geystay Caaisha Ilyaas Aadan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Cabdulqaadir Xuseen Nuur Dirir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in  falkii  kufsiga iyo dilka isugu jiray ee habeen kahor loo gesytay Caaisha Ilyaas oo 12 jir aheyd loo soo qabtay  afar qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka danbeeyeen falkaasi,isla markaana cadaalada la horkeeni doono.

Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiye Cabdulqaadir  in hadii kiiskaas uu ku cadaado afarta ruux ee lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyaan Goob fagaaro ah lagu toogan doono,waa sida uu hadalka u dhigay.

Iskuuladii ku yaallay Magaalada Gaalkacyo ayaa Maanta waxaa loo fasaxay dhibaatadii ku dhacday gabadhaasi awgeed,iyadoo halkaasi Maanta uu ka dhacay kulan looga hadlayay dhibaatada kufsiga.

Allaha u Nanariistee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa si xun loogu dilay Caaisha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar 12-sano jir,taasi oo la isugu daray fal kufsi iyo Dil ah.

Hoos ka Dhageyso Codka Cabdulqaadir Xuseen Nuur Dirir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media