Wararka uu Radio Dalsan ka helayo degmada Dharkenley ee Gobolkaan Banaadir ayaa wax uu sheegayaa in Maanta uu deb ka kacay Xaafada Suuqliif ee degmadaas.
Debkan ayaa la sheegay in uu ka bilaawday Koronto isaga oo intaas kadib ku faafay Goobo Ganacsi oo dhowr ah sida uu Dalsan u sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu geystay khasaaro hantiyeed balse intaas kadibna ay yimaadeen Gawaarida deb demiska iyaga oo ku guuleystay deminta debkaas.
Inta badan Suuqayada Waaweyn oo ku yaalla dalka gaar ahaan Muqdisho ayaa waxaa ka kaca Deb geysta khasaaro hantiyadeed kadib markii la waayo goobo loo maro maadaama Suuqyada uu ka muuqdo cariiri badan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga goobjoogaha.