Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa ah u Codeynta Xisaab Xirka 2015/2016. Iyo sidoo kale u Codeynta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxa-banaan ee la Dagaaalanka Musuqmaasuqa.
Xubnaha Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa lagu wargeliyay xalay in ay kulanka Baarlamaanka ka soo qeyb galaan si kooramka uu u buuxsamo.
Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyay,waxana lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo amniga xaqiijinaya.