Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu waday in Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uu ka dhaco kal-fadhiga 42aad ee Baarlamaanka Maamulka Puntland balse uu dib u dhacay.
Kal-fadhigaan oo ahaa kan ugu dambeeya ee Baarlamaanka Puntland maadaama dhawaan ay bilaaban doonaan soo xulista Baarlamaanka Puntland ayaa waxa uu u baaqday dhowr sababood.
Warar ay heleyso Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in sababta uu u baaqday ay tahay in Magalada Garoowe uu ka socdo shirka Golaha Iskaashiga taasina xildhibaanada qaar ay ku mashquuleen.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kooram la’aan uu kulanka u baaqday,isla markaana Xildhibaanada badankood ay ku maqan yihiin deegaanadii laga soo doortay oo ay ol ole ka wadaan si markale ay uga mid noqdaan Baarlamaanka Cusub Puntland.
Shalay Xildhibaano ka tirsan Puntland ayaa shir jaraa’id ay ku qabteen Garoowe waa ay ka digeen in Dastuurka Puntland la furo waxka bedelna lagu sameeyo xilli wararkaas ay soo baxayeen kadib markii Beelaha qaar ay dhaliil ka keeneen.