Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shalay Dowlad goboleedyada u diray warqad uu kaga codsanayo inay soo gudbiyeen xisaabcelinta lacagihii horay loo siiyey.
Maamulkii ugu horeeyay ee ka jawaabada hadalka wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa waxa uu noqday Maamulka Jubbaland,iyada oo ay ku gacan seyreen hadalkaas.
Wasiirka Maaliyadda Dowlad Goboleedka Jubbaland C/rashiid Jire Qalinle ayaa lagu sheegay in qoraalka Wasaaradda Maaliyadda uu yahay mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo Shirka Golaha Iskaashiga ee Magalada Garoowe.
Qoraal ka soo baxay Wasiir Qalinle ayaa lagu sheegay in warka ka soo baxa Dowladda Federaalka ay ku arkaan kaliya Barha Bulshada balkse aan sitoos ah maamulada loogu gudbin.
Waxa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in dowladnimada ay hoos u dhigayaan,isla markaana weli uu hakad ku jiro xiriirkii wadashaqeyneyd ee dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Arrintaan ayaa ah culeys kale oo Siyaasadeed oo dowladda Federaalka ay kala kulmeyso dowlad Goboleedyada,waxaana baaqa wasaaradda Maaliyadda uu yahay kii labaad,iyada oo kan kii ka horeeyay lagu soo beegay xilligii dowlad Goboleedyada uu shirka uga socday Magalada Kismaayo.