Maamulka Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa Amar Maanta ka soo baxay waxaa lagu mamnuucay in shirar Siyaasadeed lagu qabto Magaladaas.
Guddoomiyaha degmada Cadaado ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Xaaf Cabdi Kariin Maxamed Cilmi ayaa faray qeybaha kala duwan ee Bulshada Cadaado iyo Hay’adaha amniga in Magalada aan lagu qaban karin shirar Siyaasadeed oo aan fasax looga heysan Maamulka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in cidii Magalada Cadaado iyo deegaanada hoostaga ku qabata shirar uusan Maamulka ogeyn in ay qaadi doonto masuuliyadda Khasaarihii ka dhasha.
Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Cuusb ee Magalada Cadaado kana Akhriso Warqad uu soo saaray Guddoomiyaha.