(DHAGEEYSO):- Taliyaha ciiddanka Cirka oo Diray Hambalyada 57-guuradii Asaaska Ciiddankaasi.

Taliyaha ciiddamada Cirka Maxamuud Sheekh Cali{ Dable Beylood} ayaa udiray qeybaha kala duwan ee ciidamadaas hampalyo ku aadan sanad guurada 57-aad ee kasoo wareegatay aas aaska ciidamada Cirka oo la dhisay 1960-kii taliyaha ayaa udiray hamapalyo sarakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda,dableyda,xaasaska iyo caruurtoda uguna hampalyeeyey sanad guurada 57 aad ee laga soo wareegay aas aaska ciiddamada cirka.

Taliye Dable Beylood ayaa kawaramay 57-sano kadib xaalada iyo waxa ay ku suganyihiin ciiddamada Cirka oo uu sheegay in xaalad kala guur ah ay ku jiraan ciiddamada Cirka islamarkaana ay kala mid yihiin ciidamada kale ee dowlada dhibaatooyinka heesta waxaa uu xusay taliyaha ciiddamada cirka in burbur xoogleh uusoo gaaray ciddamada Cirka maantana ay ubaahanyihiin in dib loo dhiso si usoo ceshto cududa iyo waxtarkii ay lahaayeen.

Maanta oo ay tahay 15-February ayaa loo dabaal dagayaa sanadguurada 57-aad ee aas aaska ciiddamada Cirka waxaana jira munaasabado lagu xusayo oo maanta ka dhacaya maagaalada Muqdisho si loo weyneeyo maalinta ciiddamada Cirka.

Ciidanka Cirka waxaa  la aas-aasay sanadkii 1960-kii iyagoo ka soo qayb-qaatay hormarka iyo Difaaca Dalka.

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Cod-ka Taliyaha.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media