Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa maanta si rasmi ula wareegay xilka madaxweynaha oo loo doortay Seddeedi bishaan kadib maanta munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Xaflada xilwareejinta labada madaxweyne waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari gudoomiyaha aqlka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi guddomiyaha maxakamadda, xeer ilaaliyaha qaranka,hantidhowraha ,xildhibaano iyo wasiiro waxaana ay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Muqdisho,waxaana munasabadaasi xilka kula wareegay madaxweyne Farmaajo.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay madaxweynihii hore Xassan Sheikh Maxamuud oo marka hore kamahadceliyey agaasinka xaflada islmaarkaana xilka ku wareejiyey madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.
Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Farmaajo oo ka hadlay dhankiisa munaasabada waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in lagala shaqeeyo hormarka dalka si loo gaaro yoolka la Hiigsanayo.
Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Codadka Labada Madaxweyne.